Answers Logo
Search


HADUU NIDAAMKA FEDARAALKA SOCON WAAYO MAKULATAHAY XALKA XIGA INUU YAHAY IN SOMALIA LAKALA MANDIQADEEYO OO GOBOL WALBA GOONI ISU TAAGO ?



HAA

MAYA

Vote

Share/Save/Bookmark
View The Results of This Poll



rss
12 Comments
Ali Somalia
2008-11-20 14:47:58 ET

Aad baad ugu mahadsntihiin fursada wanaagsan ee ad nasiisen inaan rayigeena ka dhiibano iyo codbixintaan runtii aheeyd mid horey loogu baahnaa balse aad hada soo bandhigteen.

hadaan u dhaahdaco rayigeeyga waxaan oran lahaa marka hore waxaa lagama maar maan ah in nabad la helo dariiq kasta haloo mare, waa waajibka koowad.
mida kale mar hadii umada somaliyed ay ku qaadatay mudo kabadan 19 sano raadinta dib u heshiisiin, markii ugu danbeysana la isku dayay wax loogu yeeray Federaal taasin ayba u umuqato inaan waxba kasoo socn waa hada laga sii fikiraa maxaa laga bartay qabadaha soo wajahay Dowlada Federaalka, si loo soxo khaladaadka jira ee asalka u ha mashaakilka Somaliyeed....

anoo taa kaduulaya ayaan waxaan qabaa in lawada arko ayna cadahay in umada Somaliyeed ay aad ukala fogtahay fikriyan iyo caqiidoba, mida kali ah ee hada harsan oo aan mali latijaabin ayaa waxeey tahay in dhulka Somaliyed umada loo kala qeeybiyo, si dhiiga daadanaya loo bad baadiyo oo ay qolo walba u doorato hogaankana ugu dhiibato cida ay ayadu markaa ku kalsoontahay ee xigtadana u ah,.

2008-11-23 09:56:46 ET

Mahadsanidiin kooxda Allidamaale, waxay ila tahay mar hadii 20 sano Somalia xal loo la'ayahay, 20 soo socotana aan ifafaaleedii muuqan ama aan dhihikaro dadka soomaaliyeed uma bisla inay aayaha caruurtooda ka taliyaan, markaas hadeee daniba tiri in ninkastaaa daabiyadiisa u tashado.
waana sidii lala rabay

qalid ismacil
2008-11-24 01:29:06 ET

waxaan aad ula yaabaa reer culamadoodii wax garad koodii, odeygoodii, aqoon yahaniintodii, dhalintoodii, isoo taagan iney baa biyaan , qarinamada , somaliyeed, hadaad u fiirsato, jabuti ayga ayaa fadhiya, asmara kuwa fadhiyo waa ayga, kuwa barlamanka , bur burinayaa, waa ayaga , waa hal reer, miyeysan ogeyn ilaah ka sokow, in caalamku , uusan indhoole aheen, o ey u jeedaan , iney fartaagan ku noqdeen, somalia, iyo geeska africa, ,,, waxaase waxlagu qoslo ah , iney kuligood ku andacodaan, itopia, wadanka hanoga tagto, ,, WAA arin la yaableh in umadi isku racaan qaran dumis, , waa in shirwalaba lala fariisto la weydiiyaa, dhiigii ey daadiyeen iyo hantidii umada iyo tii qaran ey lunsadeen, waa yaabee, dilku ma waxu bilowdey 2004, kkkk, miyeysan dadku damiir laheen? walee waan yaabey

M dheere
2008-11-25 01:12:29 ET

asc. keep hope alife ayaan walaalaha leeyahay dad isku diin,madhab,dhaqan,wadan,kalar, luqada, 6daa arimod dad wadaaga caqligii badqabaa marna kuma talin karo in uu ogolaado in lakala qaysho. waadhab cadow ka khibradbadan waa qasayaan laakiin waa laga guulaysan inshaa alaah.www

2008-11-25 22:00:45 ET

a/c/w aad bad u mahadsantihiin website ka fikradaan soo jeediyay dhab ahaan tii fikradaan aad bay muhim u ahay inay is waydiiyan umada somaliyeed hada kahor. waxan way nay nolosheenii xoriyadeenii sharaf teenii wax kasta oo u bahnaah qof nool. hadana ii ma muu qato rajo fiican maxaay yeelay fiiri fiiri fiiri fiiri cida aad ka sugaysid inay xal gaaraan waa kuwii dhibka bilabay. ka fakar shirkasta oo somalida loo qabto iyo maamul kasta oo la sameeyo dhibato buu keena iyo bur bur hor leh .marka gunanad xal baa u ar kaa somali in la kala qaybiyo.
very respectifuly

JAAJI BANDAR QAASIN MANGIS KU TUMO
2008-11-27 07:35:41 ET

Maquuste waa Siyaasi Taariikh Xun ku Reebay Ummada Soomaaliyeed dhexdeeda !!!

Soomaalidu wax badan bay soo jirtey, haddii ilaahay idmana way jiridoontaa. Muddada ay soo jirteyna waxay soo martay taariikho kala duwan hadday tahay wakhtiyadii gumeysiga, wakhtiyadii xornimada iyo wakhtiyadii dagaalada sokeeye. Si kastaba, xaaladduhu ha u kala duwanaadeena markasta cid uun baa madaxnimada haysey ama sheeganeysey, amase isku dayeysey in ay xukunka hanato.

Anigu taariikh yahan ma ahi, in aan faahfaahin dheer taariikhda Soomaalida ka qorana ma doonayo. Laakiin waxaan shaki igaga jirin in uu Madaxwenaha dowladda ku-meel-gaadhka ah Cabdillaahi Yuusuf noqon doono ninkii ugu taariikhda xumaa dadka xukunka soo marey amaba isku dayey in ay xukunka qabsadaan. Inkastoo aan filayo in aad ka wada dheregsan tihiin taariikhda shakhsigan, ayaan waxaan sabab ugu dhigayaa xumaanta aan ku sheegayo arrimaha soo socda:

Waa siyaasigii ugu horreeyey ee u gala cadowga soo jireenka ah ee Soomaaliya kuna soo weeraray dhul Soomaaliyeed ciidamada Itoobiya, taasoo u saamaxdey in Itoobiya markii ugu horeysey qabsato calankeedana ka taagto dhul Soomaalyeed sida magaalooyinka Galdogob iyo Ballanballe horraantii sanadihii sideetamaayadii.

Waa ninkii ugu horreyey ee dagaal siyaasdeed ka dhex ridey Puntland, si waxashnimo ahna u xasuuqay beesha Cismaan Maxamuud isagoo adeegsanaya hub ay Itoobiya siisay. Waxaa intaa dheer in uu si khiyaama ah ku dilay rag caan ka ahaa gobolka Mudug sida: Alla ha naxariistee Suldaan Hurre, Col.Biixi Coon iyo Col. Ina Bowbowle.

Waa ninkii ugu horreeyey ee u sahley cadoowga Itoobiya in ay qabsato caasimada Soomaaliya kuna xasuuqdo dad ka badan tobonaan kun iyadoo dad milyan ka badanna barakaceen, dadka silica iyo dar xumada u dhintayna aan lasoo koobi karin.

Waa siyaasiga u badheedhay caddaystayna inuu la dagaalamayo diinta islaamka, una oggolaadey in Itoobiyaanku xasuuqaan culimo iyo ardeyda malcaamadaha dhigata iyadoo xitaa qaaar masaajidada lagu gawracay ama la bireeyey.

Waxaa intaas dheer, waxyaabaha la yaabka leh ee shakhsigani ku dooday waxaa ka mid ahaa; in ay dowladaha carabtu arrimaha Soomaalida faraha kala baxaan, Itoobiyaankuna yihiin walaalaheen. In aan dalka Suudaan shir nabadeed lagu qaban karin, "waayo wuxuu ku sheegey dowlad argagixiso ah". In jabhadda ONLF ay tahay argagixiso Soomaalida galbeedna tahay dhul Itoobiya leedahay, isagoo rag badan oo goboladaas u dhashayna gacanta u geliyey dowladda Itoobiya kuna eedeeyey in ay ka mid yihiin ONLF.

Waxyaabaha uu hadda ku doodayana waxaa ka mid ah; In shirka laga wareejiyo Jabuuti loona wareejiyo Libiya oo ah dowlad carbeed oo aynu walaalo nahay, in Suudaan naga caawiso arrintaas madaxda igadna ka dhaadhiciso. In Itoobiya gacanta kula jirto arrimaha Soomaaliya loona baahan yahay in Soomaalida laysaga dhexbaxo. In uu xidhiidh la sameeyey ONLF isagoo ku beer laxawsanaya in daarood loo tashaday loona baahan yahay in ay wada shaqeeyaan si ay xaquuqda daarood u wada difaacaan.

Waa yaabe, markee buu odaygu saxan yahay. Waxaase igala sii yaab badan dadka shakhsigan cadowga ah ku taageeera dhibaatooyinka iyo dibindaabyooyinka uu ku hayo dalkiisa, diintiisa iyo dadkiisiba. Miyeysan dadkaasi ogeyn in ay ilaahooda hor tegi doonaan lana weydiin doono xumaanta alle ka fogaanshaha ah ee ay taageerayaan? Miyeysan ogeyn in ay jirto maalinta xisaabtu? Moyaaney islaam ahayn, Soomaalise ahayn? Maxaa ka khaldan?

shaaciye
2008-11-27 10:00:10 ET

AS/w salaan kadib waxaan dhammaan somalida meel kasta oo ayjoogaa kula talinayaa in aysan marnab qaadan in somaliya laka gooyo sababtoo ah somaliya wax xal ah oo ku jiraa malahan somaliya xalka kaliya oo lagu nabadeen karo waa in somaalidu ay iska reebaan arayga qabiilka ah oo qabiilka layska saaro oo somaalinimo loo wada shaqeeyo waxaan somali urajeynayaa in ay isku tanaasusho

iSKUFILAN
2008-11-27 22:11:04 ET

maya, we need different, waxan doonayna Nabada, dag dag aha

iSKUFILAN
2008-11-27 22:11:24 ET

maya, we need different, waxan doonayna Nabada, dag dag aha

iSKUFILAN
2008-11-27 22:11:52 ET

maya, we need different, waxan doonayna Nabada, dag dag aha

iSKUFILAN
2008-11-27 22:12:33 ET

maya, we need different, waxan doonayna Nabada, dag dag aha

2008-11-29 18:28:42 ET

ASC all.aniga waxay ila tahay in umada reer puntland tashato waayo waxan halka baranay in aan 20sano aan dowlad la'aan nahay taasna waxa ka danbeya dad aan u sojedin nabad iyo kaladanbayn.
marka umada puntland wxan kula talin laha in ay ayahooda ka tashan maamulkoda boorka ka jafan.

wabilahi towfiq



Leave a comment

Email Address *

Your email address will not be published. (We add your Gravatar icon if you have one)

Please enter a valid email address below.

Name *

Please enter your name below.

Your Website URL

Comment *

Maximum of 4000 chars. (0/4000)

Please enter a comment below.

(Fields marked * are mandatory)


Submit Comment
Spam controlled by Akismet
rss

User

This user does not have a PollDaddy profile set up yet...

View My Previous Polls

Share Link

Use the link below to share this poll.

Embed This Poll

You can also place this poll on your website or blog as a widget. Simply copy and paste the code below into your HTML.

Alternatively, we now support oEmbed.